Inloggning gäller ej beställning av skolfoto

Ny kund? Registrera dig härGlömt lösenord
TysklandFinlandEnglandAlbanienArabienSpanienSverigeFrankrikeSomaliaSerbien
 

Faktura

08faktura-fram-siffror

  1. Nambarka warqada lacga bixinta.
  2. Waa kuwan sawiradii iyo badeecadihii kale ee aad dalbatay inaad aragto.
  3. Sidan samee:
    1. Buuxi warqada lacagta lagu bixiyo oo bixi badeecada aad dooneyso inaad iibsato.
    2. Iska soo celi badeecada aad dooneyso inaadan iibsan, isticmaal baqshada loogu tala galay soo celinta oo ku soo dheji baqshada warqada yar ee nambarka leh.
    Ku dheji tikidhka boostada ee ku haboon.
    3.Hadii aad go’aansato inaad sawiradoo idil iibsato waxaad fursad u haysataa inaad kala qeybsato lacagta, 20 kr oo khidma ah baa markiiba lagu saarayaa. La xiriir rugteena macaamiisha si aad macluumaad dheeri ah u hesho.
    4. Eeeg warqada lacag bixinta hoose si’ aad u aragto waqtiga ugu danbeeyo ee aad bixineyso waxaad iibsatay amaba aad iska soo celineyso waxaadan iibsan.
    5. Hadeey noqoto in lagu soo xusuusiyo inaad bixiso waxaad iibsatay qiima caadiga ah ee u go’an baa lagaa qaadayaa badeecad walba, hadiise aad jumladoo idil la daahdo ama bixin weydo waqtigeedii waxaad bixineysaa khidmo 50 kr ah.
    6. Hadeey tahay buuga sawirada ee iskoolkoo idil, gooni baa isaga loo soo dirayaa oo warqada lacag bixintana wey la socotaa.
  4. Photomic
    374 83 Karlshamn
    Hadii wax su’aal ah aad qabto.
    Nagala soo xiriir, xarunta macaamiisha ee telefonkeenna amaba ii-maylkeena:
    Photomic (skola) 0454-854 40
    kundservice@photomic.com ama fakis 0454-854 01
    Panda Photo (dugsiga xanaanada) 0454-854 80
    kundservice@pandafoto.se eller fax 0454-854 01
  5. Furo sireedka dukaanka-internetka
  6. Warqada nambareysan oo ay weheliso warqada lacag bixinta.
    Meesha tikidhka boostada.
    Photomic 37483 Karlshamn
  7. Waqrada lacag bixinta
    Muhiim!
    Hadii aad lacagta ku bixiso si’aan sidan aheyn waa in nambarka lacag bixinta ee hoos ku yaal la qoraa, hadii aan saa la yeelin lacagtii inaad bixisay lama diiwaan gelin karo.

08nyfaktura-bak-siffror

  1. Photomic iyo Panda Photo waxeey sawir ka qaadayeen iskuulada, goobaha xanaanada, waalidka iyo ardeydaba mudo ka badan 35 sano. Hadafkeenuna waa in aan sida ugu wanaagsan ula dhaqano macaamiisheena oo aan fulinana codsiyadooda, waxaanu weligeen doonaynaa inaan noqono kuwa kasbada kalsoonidiina sawirqaadida.
    Noqda kuwii ku farxa sawiradooda!
  2. Did ka dalbasho
    Si’ yaalo badan u isticmaal sawiradaada, ka faaideyso fursadan, dalbo sawiro badan amaba weyneeyso.
    Xataa waxaad sawiradaada ku sawiran kartaa, koobka shaaha lagu cabo, rooga muuska kombiyuutarka loo dhigto iwm. Ka daawo xayeysiin sawireedka warqadahan la socda..
    Waxaad dib ka dalbaneyso boqshad gooni ah ku soo dir ee haku dhexdarin waxaad soo celineyso.
  3. Soo celin
    Soo celi badeecada aadan dooneyn inaad iibsato mudo 14 maalmood gudahood ah! yeysan kula dhaafin waqti ugu danbeeya ee lacagta la bixinayo.
    Isticmaal buqshada laguu soo raaciyey, kuna dheji nambarka soo celiska mesha loogu talo galay, ku qor magacaada oo tikidhka boostada ee ku haboon ku soo dheji.
  4. Iibsasho iyo lacag bixin
    Buuxi warqada lacag bixinta oo bixi badeecada aad dooneyso inaad iibsato adoo raacaya qiimaha sicirka.
    Hadii aad dooratid inaad warqadan aragtida sawirada aad boostada ku soo dirto, waxaad bixineysaa 20 kr oo diiwaan gelin ah.
    Hadii aad go’aan ku gaarto inaad iibsato sawiradoo idil waxaad lacagta u kala qeybsan kartaa 3 mar, oo 20 kr oo khidmo ah baa markiiba kugu kordheysa. La xiriir xarunteena macaamiisha ama booqo rugteena internetka si aad wixii macluumaad ah oo dheeri ah aad u hesho. Fursadan kala qeybinta lacag bixinta waxa kaliya oo ay jirtaa markaad badeecada/sawirada oo idil iibsato. Hadii laguu soo diro wraqada xusuusinta lacag bixinta waxaad bixin doontaa 50 kr oo dheeri ah. Hadii waqtigii lasoo celinayey ay kula dhaafto, laguuna soo diro xusuusin lacag bixin. Xaqii aad u laheyd inaad iska soo celiso waxaadan dooneyn meesha wey ka baxday oo ma lihid.